Maxaa ku ahay allergy oo u baahan inan joojiyo
Wejiga nabraha salida badan cunnada
iyo waxyaalaha an ku habooneyn.
1: waxaa joojiyay ukunta cunideda
2: waxaa kale oo aan joojiyey cunida kalluunka daasaha
iyo midka caadiga loo dubo.
3: sido kale waxaa joojiyey cunida digirta noocyadeda
oo dhan ( fasuliyada oo aan aad u jeclaa)
4: waxaa kale oo aan joojiyey caanaha gabi ahaanba
5: waxaa kala oo aan joojiyey isticmaalka creamka
grecillinka
6: sido kale waxaa joojiyey isticmaalka saabuunaha kala
duwan
7: waxa iska ilaaliya
marka aan cunada sameynayo in uumiga xawaashyada igu baxo waxaa
isticmalaa in aan xirto facemask ama wax iga difaacaya uumiga cunada kaso
baxaya inta aan karinayo.
8: waxaa kale oo aan joojiyey facewash yada aan hore u
isticmaali jiray
9: waxaa sido kale facemask ama indhoshareer xilliyada
aan u baxo qoraxda taaso ii sahlaysa inay ka hortagaan fallaaraha qoraxda.
10: waxaa iska joojiyey gabi ahaan creamyada aan marin
jiray
11: marsashada make upka waji aan diyaar ahayn
Horodhac
Waxaa inta
badan ay dadku isticmaalan nolol maalmeedka caadiga ah cunooyinka protein ka badan oo ay ka mid
yihiin ukunta digirta kalluunka waxaa halka soo raaca waxyaabo kale oo iyagana
inta badan ka qeyb qata kor u kaca xasaasiyada sida saabuunta gracillin ka
facewash noocyo kamida xawaashyada lagu carfiyo cunada marka la karinayo ,waxaa
sidoo kale jira in uu qofku jirkiisu diidido caanaha waxaana inta badan dhacda
dad lagula taliyo inaysan isticmaalin caanaha,marsashad make upka waxaa inta
badan lagala kulmaa inay waxyeelayso quruxda wejiga, waxaa xaga dambe kuugu
sheegi doonaa waxyaabo aan kala kulmay mudadiii aan cabayey caanaha wixii aan
kala kulmay iyo sidaa ku ogaaday dhibta iga haysatay caanaha cabistiisa …..
mana aha in
dadka dhamaantooda ay ku qabaan xasaasiyad cunnooyinka aan halkan kusoo gudbin,
waxaa kaloo dhici kara inaad mid ka mida ama qaar kamida aad ku leedahy
xasaasiyada waxaa kaloo dhici karta inaad hal ka mida cuntada aan halkan ku
sheegi doono inaad ku leedahay xasaasiyad balse aad isticmaali karto dhaaman
inta kale waxaase muhiim ah inaad ogaato halka cuna ee aad ku qabto
xasaasiyada, waxaaa muhiim ah inaad booqato doctor maqaar hadii aad kala saari
la dahay waxa aad ku qabto xasaasiyada ama uu jirkada diidanyahay. inaad ogaato
waxay kaa caawinaysaa inaad ka hortagto ama ka aad joojiso wax lid ku ahaa
jirkada oo aadan hore uga warheyn…
inata badan
waxaa gabdhaha dhiba nabraha kasoo baxa wajiga kaas oo dila quruxda gabadha
keenana iney ka xaragoon weydo waxayna ku kaliftaa in gabadhu qariso wajiga ama
aysan iman halka ay dadka ku kulmaan taasoo keensan doonta in gabadhu dareento
kalsooni daro ay ku qabto wajigaeda kuna kalifto inay isticmaasho kareemo kala
duwan iyada oo ka raadinaysa wax ka bi’iya nabraha quruxdedana dib usoo celiya ,,,,
isku daygaas
oo marar badan ay gabadhu ku celceliso wejigeda ayaa keena inuu kasii daro
tijaababa tan xigta….. waxaan halkan kugu soo gudbin doonaa sidii aad uga bixi
laheed dhibtaas oo aad dib ugu soo celin laheed quruxdadii insha Allah.
Side ku ogaaday inaan leeyahay
xasaasiyad
Run ahaanti
waxaa igaga baxday waqti inaan ogaado waxa aan ku qabo xasaasiyada.
Mudadii an
baarayey ogaanshiyaha cunooyinka aan ku qabo xasaasiyada waxay ii ahed anigoo
ka jawaabaya hal xiraale I horyaal oo u baahan kala furdaamin..
Waxyaabaha
cajiibka ah een u ogaan waayey si dhaqsiyo ah waxa ay aheed anigoo aad u jecla
cunnooyinka aan ku qabo xasaasiyada dhamaantooda ..
Faasuliyada iyo kalluun waxay ahaayeen cunnooyinka nolol
maalmeedkayga aan ku tilmaami karo, waxaaa aad igu adked inaan ka tanaasulo ama
aan joojiyo faasuliyada subaxdii aan ku quraacdo iyo kalluunka aan jeclaa inan
ku qadeyo runtii waa cuno ay adked inan joojiyo isticmaalkooda ….
Marka la
joogo caana booraha inta badan ma
jeclayn cabidooda lakiin waxaa u isticmaali jiray cadeys ahaan..
Sida caadiga
shaaha cadeyska waxa caafimaad ah ma leh oo waxa uu qofka ka dhiga mid hilboon
oo xeeri ka muuqato gaar ahaan calooosha iyo garbaha inta badan waxa uu keena
inad xuurtowdid oo wadnaha ku garaaco adigoo aan sameyn shaqo badan…
Sababah aan
soo sheegay owgood ma ahan caana booruhu wax aan aad u xiiseyo oo inta badan
waan ka maarmi karaa inan joojiyo caanaha booruhu…
Sidoo kale
waxaaa jira wax yaabo lid isku ah oo aan inta badan u isticmaalno si joogto
taaso caafimadkena u fiicnen dhan walba .
Tusaale habeenki anigoo ku casheyey kalluun
ayaan cabi jiray caano geel marka ay halkaa marayso jirkaygu wuu diidi labada
shey ee aan halka mar wada isticmaalay waxaana uu sameynayaa jirku falcelin
kasoo muuqan jirtay maqaarka …
Waxaa kaloo oo aan ku arkay caanaha markaa
cabo inaan yeesho dibiro caloosho I weynata iyo neef xaga dambe ah oo aan kala
joogsi lahay taas oo igu dhalisay inuu yaraado xiisaha aan u qabo caanaha nooc
walba oo yihiin anigoo mar walba ka fogaanaya si aysan igu soo noqon caloolweyn
iyo neef aan xadi lahayn …..
Waxaa kaloo
aad u isticmaali jiray faasuulida ama
digirta oo agtayda ka ahaa cunooyinka aan aadka u xiiseyo waxaa u
isticmaali jirey si maalinle oo aan ugu quraacdaa ama cashada lafteda
Waxaa
dareemay markaa labo cisho cunin digirtaa in ay nabraha wajiga yaraanayan
bilaabayan inay noqdaan wax qalalaya oo si tagaya ,, imma suura gelin waqtigaa
inaan ka shakiyo waxa aan cunayo balsan waxay ahaayeen suaal aan ka baxay
maskaxdayda maxay nabruhu maalina u baabi I maalina usoo cusbaani oo dib ugu
bilaaaban mudo yar gudahoooda waxaa mahay isbedelkan …. Iguma soo dhicin
waqtigaas in uu jirkay diidan yahay digirtan aan isku beer gooyey taa bedelked
waxaa ahaa mid aad u jecel inay maalinwalba inan cuno oo aysan ka bixin nolol
maalmeedkay caadiga , wayna I caj gelin jireyn dhaman cunnooyinka laga sameeyo
digirta taas oo udgoonka kasoo baxaya aad ii saaqi jirtay una sii qaadayey
xiiso cusub taasoo keeni inaan sii wado isicmaalka digirta …..
Waxaa kaloo
jirta inan dareemo waqtiyada aan isticmaalayo digirta in qanjiradu I kacaan oo
ay cunuhu I bararo , digirtu waxay kicisaa infection ka jirka ku jira balse
aniga waqtigaa waxaa kaliya oo dareemayey waxay aheed nabraha wajiga oo kaliya
waayo waxa ay ahed waxa kaliya ee ii muuqday waqtigaa oo hoos uma sii eegi
jirin waxyaaba kale ee waqtiga ila soo gudboonaday ….
Waxaa kaloo
jirtay inaan isticmaalo ukunta ukunta
uma jecli dhaman intaa soo sheegay oo ah kalluunka ,faasuuliyada ama digirta
caana iyada way iga duwaneed waayo inta badan ma isticmaali jirin lakin
waqtiyada qaar waxaa ahaa mid cunta marka ay tahay mid biyo lagu kariyey ama ay
u sameysan tahay shakshuuko oo ah marka lagu sameeyo qudaar oo ah mar la
jeclaysto dhadhankeeda iyo carfoonka kasoo baxaya …. Waxaa kaloo dhici jirtay
inaan marmarka qaar aad rooti u shiilatid ukun adigoon wax qudaar ah ku dareyn
oo u baahan inaad rootiga dhaxgishato ama aad markaa ku cunto canjeelo aroorta
aadan rabin inaad cunta suqaar ama canjeelo cad ay kasoo boodo waana waqtiga
aadka loo xiiseyo isticmaalka ukunta marka laga eego xagyaga ……
Sida caadiga
nolosha biniadamka waxay ay ukuntu u tahay mid faaido badan oo jirtka aadanaha
u leh waxtar waxaynu og nahay dhamanteen inta ay u dhigmato halka ukun ee aad
cunto maalintii taaso lagu tilmaamo inay u dhigmato 1killo oo hilib … waa wax
aad u badan sax..
Waxaa
suaashan weydinaya dhaman dadka xasaasiyada ku qaba ukunta oo ay maqaarkoda
kaso saarto nabraha ama kugu keenta infection gudaha ah sida in qumanka ama
qanjirada ku xanun ama jirka meelo ka mida cuncun ka dareento adigoo xoqid uga
hortaga tasoo keensata inuu sii fido cuncunkii ay keensatay ukuntii aad
cuntay….
Hadaba maxaa
ila gudboon waqtigan inaan qaato cunida hal ukun oo u dhiganta hal killio oo
hilib ah mise quruxda maqaarkayga ,,,,,,,,,,,,,,,,waa wax fudud aniga xageyga
waxaa doooran lahaa quruxda maqaarkayga waa waxa koowaad oo ii keenaya inan uga
tanaasulo cunooyinka aan jeclaa oo aan ku raaxeysan jirey waxtiga aan cunayo
…..bal adba.
Gracillin waxaa inta badan u isticmaala inaan
marsado jirka taas oo aan ugu danleeyahay inaan ku qoyo jirka qalalan bale taa
bedelkeda waxaa isoo baxaday inaan ku leeyahay xasaasiyad aan caadi ahey inta
badan waxaa marsadaa gacmaha taas oo I horseedi jirtay inaan faraha la aado
wejiga taasoo keeni jirty in wejiga iyo garbaha ay nabro iga soo baxaaan faraha inay iga dirdiirman qulfo inaan
dareemo mudo aad u kooban qaleel ,, waxaa go’aansaday inan joojiyo isticmaalka
kareemkas oo aan ku bedesho kareemo kale oo aan ku jirin wax gracillin ah
totally…. Taaso keentay inaan helo isbedel yar iyo kasoo reyn waqtiba waqtiga
xiga …..
Waxaa kaloo
arki saameyna ay wajiga ku yeelan karto isticmaalka saabuunta inta badan sidaa ognahay sabuunta uma wanaagsana in lagu
meyro wejiga waxaana inta badan la door bidaa in lagu meyro facewash loogu tala galay nooca weji ee aad leedahay ….
Waxyeelada
ay kugu keeni karto waxaa ay noqon kartaa wajigoo dheeha ka taga taasoo keenta
in aad u muuqato qof xanuun kasoo kacay oo baxnaano u baahan, waxaa kuu keenay
ayaa ah saabuuntu waxay aad wejiga kala tagtaa dufanka saran una muujisaa mid
aad u qalalan oo uu qofku dhibsanayo qalalka daran ee wajiga ka helay waxaana
inta badan dhacda in qofku wajigisa kasoo muuqdaan nabro yaryar oo sidii shuuxa
ah,,,, waxaa kaloo oo wajiga waqtigaa u baahdaa wax qoyaan ah oo la mariyo
waqtigaas taaso Iyana inta badan sababta isagoo qofka iska eegin kareemka uu
markaas marinayo taasoo inta badan u geesato wax yeelo weyn wajiga oo keenta in
wajigu yeesho nabro badan ama keensado cillado kale oo ay ka mid tahay haaraha
wejiga kaso baxa….
Waxaa inta
badan wanaagsan inaad wejiga ku dhaqdo facewash
loogu tala nooca maqaar ee aad leedahay tusaale hadii aad leeday weji
saliid ah waa inad isticmashaa facewash ah oil control waxay kaa caawisaysaa
inay kaa yareyso saliid wejiga kuna siiso wejiga qurux badan oo dhalal
saaranyahay … inaad isticmaasho facewash ku haboon wejigada waxay kor u
qaadeysaa bilicdada iyo badqabka wejigada waxayna yareyn in uu wejigu yeesho
nabro…
Waxaa inta
badan ognahay in dumarku sameyaan cunnooyinka guriga waxaa halkan kasoo wada waxay atahay in xawaashyada cunada lagu daro ay saameyn ku yeeshan wejiga oo kenan
xasaasiyad kana dhalato in wejigu kasoo baxo nabro ,,,, inta badan waxay
sameyaan cuncun waliba marka aad dul joogto digsiga aad cunada ku Karin, taasi
waxay sababsatay ban oran karnaa ku darida cunnada carfisooyinka ama
xawaashyada cunnada lagu carfiyo uumigooda oo si toos ah wejiga uga dhacayo….
Waxaa
wanagsan qofka karinaya cunnada inuu xirto facemask
waxay aad hoos ugu dhacaya sameynta tooska ahed ee wejigada ku imaanayey….
Waxaana
qofka u wanagsan inuu sameyo ka hortag waana muhiimada aan halkan kugu soo
gudbinayo inaad inta aan soo sheegnay oo dhan aad sameyso ay kuu noqonayso ka
hortag wacan kuuna ifinaysa meelo madmadow kaaga jiray …
Isticmaalka
make up aad buu ugu soo badanaya sanadadan dambe dadkuna aad ayey u fahmayn make upka hada waxaa jirta saameyn uu
ku yeesho wejiga wuuna inta u kala baxaa noocyo kala duwan taas oo loogu tala
galay in loo isticmaalo maqaar walba nooc loogu talagalay, isticmaalka qaldan
waxa uu keena in wejiga uu isbedel ku yeesho oo si degdega uu dheeha kaaga
qaado ama aad ku qanci weydo wejigada marka aad iska meerto make upka.
Waxaa lagula
taliyaa dadka inay sameystaan skin care
ama daryeelka wejiga … sameynta daryeelaka wejiga waxay kaa caawineysa inuu
wejiga ahaado mid marwalba nuuraya oo soo jiidasho leh waxayna kuu sahlaysaa
inaad make upka ka hor iyo kadib aad samaeysato skin care quruxdadana noqoto
mid aan waxba laga qaban Karin ….
Qofka
isticmaala skin care saxda ku ah
wejigiisa waxa aad u yar fursada uu wejigasa kaga soo baxo nabro ama haaro
waxaa dhamaan Meesha ka baxa cilladaha uu keeno make upka ama cimilada , waaa
agabka mudadii dambe aad loogu faaidey dhaman dumarka adduunku mahadiyeen …
Waxaa inta
badan dhacda in ay isticmaalan cream
ay ku doonayan inay ku cadadaan sidaa ognahay creamada waxay ka sameysan yihiin
kimikaal oo uu san qofka isticmaali Karin haduu san doctor u qorin waxay
keensataa in uu maqaarku noqdo mid aad u itaal daran kana dhintay unugyadii
difaacayey noqdana mid u nugul qoraxda ama waxyaabaha yaryar sida dabeysaha ama
isla creamada qeybood oo si toos ah wejiga loo saari Karin …. Taas oo ay
sababtay isticmalka xad dhaafka ah taaso ka dhigtay mid aad u liito difaaca
maqaarka wejiga
Inaad xirato
maro wejiga taas oo aad isaga ilaalisid fallaaraha qoraxda ama aad isticmaasho
facemask oo aad xirato mar walba oo aad dibada aado marwalba oo aad cunno
karinayso waxay kaa caawinaysa inaad ka hortagto dabeysha ,boorka ,fallaaraha
qoraxda , wasaqda faraha sidoo kale markaa cuno karinayso waxay kaa ilaalin
uumiga dheriga sidoo kale waxyaabaha lagu carfiyo cunnada ee xawaashyada loo
yaqaan ……
Waxaa jira
dad aad u badan oo ku qaba xasaasiyad urta xawaashyada ama uumiga marka dheriga
lagu daro , waxaa inta badan dadku jecelyihin cunnada carfoon balse marka la
karinayo ayaa inta badan qofka karinaya ka dhigtaa mid allergic ku ah
waxyaabaha udgoon ee xawaashyada dhirtoda ka koobman …
Hadaba maxaa
xal u ah. Waxaa xal u ah inaad xirato facemask ama indho sharer si uu kaaga
ilaaliyo uumiga cunnada ama fallaaraha qoraxda , boorka ama wasaqda faraha ….
Talada ugu
dambaysa waxaa leeyahay waa inaad tagtaa doctor maqaar waxaana sahlanan doonta
in xal uu kuu helo aad kaga bixi karto xasaasiyada hoosna u dhiga nabraha
wejigada hareeyey insha allah ……
0 Comments