Ad Code

Responsive Advertisement

𝗦𝗶𝗱𝗲𝗲 𝘂 𝗶𝗹𝗮𝗮𝗹𝗶𝗻 𝗸𝗮𝗿𝘁𝗮𝗮 𝗺𝗮𝗾𝗮𝗮𝗿𝗸𝗮𝗮𝗴𝗮?

 

𝗪𝗮𝗮 𝗺𝗮𝘅𝗮𝘆 𝗺𝗮𝗸𝗲𝘂𝗽-𝗸𝗮?

Make-up wuxuu kamid yahay alaabaha lagama maarmaanka u ah  dumar badan oo dunida daafeheeda ku nool si ay iskugu qurxiyaan,

Sidaasoo ay tahay wuxuu wax yeeleen karaa Caafimaadka maqaarka sidee!?



𝗪𝗮𝘅 𝘆𝗲𝗲𝗹𝗮𝗱𝗮 𝗵𝗮𝗹𝗶𝘀𝘁𝗮 𝗮𝗵 𝗺𝗮𝗸𝗲𝘂𝗽-𝗸𝗮.

isticmaalka qurxiyaha makeupka qaarkiis wuxuu kugu sababi kara:-

◇.Finan wajiga kasoo baxa finan kaas oo noqda mid marwalba soo laalaabta

ku seexashada make upka waxay kuu sababi karta finan waji ah waxayna cun cun iyo barar ku sababi kartaa maqaarka udhaw indhaha.

◇ Da' ama duqoobid waxaa la ogaaday dumar badan oo isticmalay Makeupta in eey la kulmee gabob ama duqobid wajga ah

Umana ad keysan karaan dumarka isticmaalo makeupta qoraxda ama falaaraha quraxda.

Sidoo kale waxay sababi kartaa gabow, dadag ah hadii aadan ka hor makeupka isticmaalin (suncreen),maxaa yeelay badanaa dadka isticmaala ma adeegsadaan (suncreen)

Make upka qaar ayaa maqaarkaaga ka dhigi kara mid qalalan ama mid sidii hore ka dufan badan.

Qalayl ama waji qaleyl.

Makeupka qaar ayaa maqaarkaga ka dhiga mid qalalan ama sidii hore ka dufan badan

taasoo sababi karta jajab maqaarka oo sabib karta wajiga oo duqooba.

 

𝗦𝗶𝗱𝗲𝗲 𝘂 𝗶𝗹𝗮𝗮𝗹𝗶𝗻 𝗸𝗮𝗿𝘁𝗮𝗮 𝗺𝗮𝗾𝗮𝗮𝗿𝗸𝗮𝗮𝗴𝗮?

1.Dhaq wajigaaga oo haku seexan makeup-ka oo ku dhaq nadiifiyaha wajiga sababtana waa mida aan soo sheegnay.

 


2.Nadiifi buraashyada si joogta ah habkan ayaa kaa caawin doona inaad ka takhalusto bacteriyada ka timaada dhididka iyo unugyada dhintay ee maqaarka,iyo tan katimaada waxyaabaha la isku qurxiyo.


3.Raadi makeup ku haboon maqaarkaaga qof kasta maqaarkiisu wuu ka duwn yahay kuwa kale,waana taas sababta aad ugu baahantahay inaad fiiro gaar ah uyeelato sid maqaarkaagu uga falceliyo makeupka kala duwan, kuwo qaar inay qalajiyaan maqaarkaag halka kuwo kalena ay ka dhigi karaan saliid,adigoo adeegsanay tijaabo qalad ah waxaad ogaan kartaa kan uwanaagsan maqaarkaga.

 

●Dhaqaatiir badan oo ku taqasusay maqaarka ayaa ku taliyay adeegsida nuuca ku saleysan/kasameysan macdanta maxaa yeelay badanaa wey u dhib yaryihiin maqaarka.

4.isticmaal kareemka qoraxda ee (sunscreen)

 

Hadii ay qorax jirto isticmaal kareemka (sunscreen-ka) ka hor makeup-ka mudo 10-15 daqiiqo si maqaarku unuugo ugana badbaado qaleylka oo sababi kara jajab wajiga ah, waad ka maarantaa hadii ay qorax jirin ku ilaali waqtiga kaliya.

 

5.Ha la wadaagin agabkaaga qurxinta qof kale sida buraashayda wajiga, rooseetada afka i.w.m wadaagista agabka la isku qurxiyo waxay sahli kartaa faafida bacteriyada.

Talaabooyinka fudud waxay kaa caawin doonaan inaad hesho maqaar caafimaad qaba dhalaalaya ee aad uqalanto,

Qurxinta ma aha mid gebi ahaanba u xun maqaarkaaga, laakiin waxay sababi kartaa dhibaatooyin haddii aad ku dhaqanto caadooyinka qurxinta ee aan caafimaadku qabin.

 

TALO . Isticmaalka joogtada ah ee makeupta ayaa kuugu sababikarta in uu isbadalo muqaalka wajigaaga sida in uu balaarto wajiga

 

 

 

 

 

 

 

Post a Comment

0 Comments

Ad Code

Responsive Advertisement