Ha u oggolaan inay ku
cabsi geliso guusha dadka kale
Nolol maalmeedka
joogtada ah ee aan ku noolnahay waxay leedahay farxad murugo iyo maalmo caadi
ah, hadaba maalmahaa qaarkooda waa deeq illaah bixiyo oo laguugu imtixaamay
intuu le’egyahay imankada iyo kalsoonida aad ku qabto illaahay iyo mida
naftaada.
Marka aan kazoo
guddubno taas, waxaa jira dadaal iyo kartida wax ku imada oo aad u dhidid
waxaana ka mid ah kalsooni beerasho, aaminaad in lagu aamino , dadaalkada in la
arko inuu yahay mid aan ahayn dad iska gad, in la arko dadnimadada iyo qofka
saxda ee aad tahay in la ogaado,oo maalinba waji lagugu arkin, inaa tahay qof
ka hufan xiqdiga iyo xaasidnimada, ina lagaa arko cadaalad, dhaqankada oo aad
ka run sheegta waa ay ku anfaci, waxayna kuu jiidaysaa inan lagugu xad gudbin.
Hadaba waxaa
jira in badan oo aad muujin karto oo dhaqamo ah balse la ogaan karo inay kaa
ahed ku gaarid ujeedooyinka gaarka kuu ah, hadaba hadii taas laguugu qabto
waxaa halkaas ka baxaya dhaman kalsoonidii aad raadinaysay iyo dhaman filashii
aad waqtiga ku bixisay.
Hadii aad
marwalba ka sheekeyso dadka kale xumantooda adigoo halka ka raadinaya dadka
dareemadoda kaliya adiga ayaa laguu arkayaa ugu dambeyn inaa tahay qof ceebaal
oo aan isku kalsooneyn, kana cabsada dadka ku hareersan guushada kana baqa in
lagu ag amaano ama la dalacsiiyo.
Hadaba marka
aad ka sheekaynayso guushaada ama waxaa aad ku fiicantahay waxaa muhiim ah inaad
iska eegto cida aad uga warameyso,waxaa fudud kadib sheekada inaad yeelato
cadow , xaasid iyo dad ka maseersan guushada.
Marka aad
dadka wax u ogolaato ayaa wax helaysaa, haddii aad ku marmarsiyooto waxyaabo
tagay oo lasoo dhaafay kuna xirto guushada adigoo ka cago jiidayo inaa u
dadaasho waxaa aad rabto, filato inay fadhigada kugu imadan ama aad u marto
dadkale danahada adigoo hoos u dhigaya shaqsiyadooda ama aad faafiso xumantooda
ama aad xamato kuuma keenayso guul ama wanag haba yaraate.
Waxaa kuso
koobaya ha oggolaan inay ku cabsi geliso dadka kale guushoda ee noqo mid
raadsada guushisa…..
0 Comments